Mogadisho 26 November 2024:
Dalladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxa ay ka walwaleysaa xaaladaha ka taagan degaannada Jubbaland kuwaas oo ka dhashey khilaafkii siyaasadeed ee dhex marey madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland.
Bulshada Rayidka waxa ay marar badan ka digeen in khilaafka siyaasadeed ee ka dhashey aragtiyada kala duwan ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu sababi karo xaalad colaadeed oo saameyn ku yeelan karto nolosha shacabka Soomaliyeed.
0 Comments